Saraakiil Itoobiyaan  & Soomaaliya oo kulamo uga socda Doolow + Qodobada

Saraakiil Itoobiyaan  & Soomaaliya oo kulamo uga socda Doolow + Qodobada

Doolow (Raxanreeb) Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa ka socdo kulamo ay leeyihiin saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Kulankan waxa uu ka danbeeyay ka dib markii maalin ka hor degmadaas ay gaareen  ciidamo aad u  fara badan oo Itoobiyaan ah.

Ciidankan waxa la sheegay in aysan ka mid ah ahayn howlgalka ATMIS ee midowga Afrika oo Itoobiya ay qayb ka yihiin ciidankeeda.

Wararka RBC uu ka helayo degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ujeedka kulamadan ay yihiin sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahayeen  sugidda amnig xuduuda – labada dal.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo la hadlay RBC ayaa sheegay in dhawaan la filayo in ciidamo itoobiyaan ah ooh or leh ay soo gaaraan degmada Baardheere si ay uga qayb qaatan amniga.

Hore gobolka Gedo waxaa ugu sugnaa oo kulamo ka Madaxa hawlgalinta ciidanka militariga Dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo taliyaha guud ee ciidanka xooga gaarka ee Dowlad Deegaanka soomaalida

Leave a Reply

Your email address will not be published.