Maxay tahay fariinta Wasiirka Difaaca UAE u dhiibay Wasiir Jaamac.

Maxay tahay fariinta Wasiirka Difaaca UAE u dhiibay Wasiir Jaamac.

Muqdisho (Raxanreeb) – Kadib weerarkii toogashada ahaa ee kadhacay xerada Jeneraal Golden ee magaalada Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khadka Taleefanka kula Wasiir dowlaha Wasaaradda diaafaca ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Cabduldaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa tacsiyo udiray dowladda Imaaraadka Carabta iyo Shacabkeeda, isagoona weerarkii ka dhacay Xerada Jeneraal Golden kutilmaamay in uu ahaa mid argagixisinimo.

Wasiirka ayaa Saraakiishi kugeeriyootay weerarka kutilmaamay in ay ahaan doonan sumad ay dowladda Imaaraadka kaga jirto ladagaalanka argagixisada iyo dib udhiska dowladnimadda Soomaaliya.

Wasiir dowlaha dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya kucanaantay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sameeyo baaritaan ku aadan weerarkaasi.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiriirka labada dal uu xumaado maadaama wasiir dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Imaaraadka Carabta uu kadhawaajiyay iney macaquul tahay in uu gaabis kuyimaado xiriirka labada dal iyadoo ay soo bixi karaan falalkaloo argagixisinimo.

Toogashada weerarkii xerada Jeneraal Golden waxaa kudhinta sargaal sare oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mubaarak oo heystay ammniga iyo tababarida Ciidanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.