MUQDISHO : Maxabiis lagu sii daayay cafis Madaxwayne

MUQDISHO : Maxabiis lagu sii daayay cafis Madaxwayne

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa xabsiga dhexe Exkoontrool Afgooye laga siiyay maxaabiis, kuwaas oo muddooyinkii dambe halkaas ku xirnaa, oo ciidanka Asluubta ay dhaqan celin ku wadeen.

Dowladda ayaa sheegtay in maxaabiistaan la siidaayay, kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu cafis u fidiyay,  waxaana tiradooda ay gaareysaa ilaa 127 Maxbuus.

Maxaabiistaan la siiyaay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa ku badan dhallinyaro, waxaana lagu soo qabtay falal kale duwan iyagoo dhaqan celin ay ku wadeen ciidanka Asluubta.

Dowladda Federalka ayaa mararka ay jiraan maxaabiista waxaa ay madaxda dalka ay cafis u fidiyaan maxaabiista u xiran dambiyada yar yar ee aan dilka uusan ku jirin badanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.