Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka.
Month: December 2022
Wasaaradda maaliyadda oo soo bandhigtay qorshaha sannadka 2023
Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.
Odayaal reer Cadaado ah oo ku biiray Al- Shabaab dibna ugu soo baxay oo la xiray.
Cadaado ( Raxanreeb ) Odoyaashii beesha reer Xaaji Saleebaan ee maalmo ka hor heshiiska la galay Alshabaab ayaa goordhaweyd isku dhiibay ciidamada Galmudug. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Odoyaasha ay ka cabsadeen in weerar lagu qaado madaama ay wataan ciidamo yar, xalkana ay u arkeen in ay is dhiibaan. Waxaa lagu soo warmayaa in...
Maxay tahay tallaabada uu u qaaday Mareykanka ee Shiinaha ka careysiisay
Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin adag u diray ‘ciidamada fududeeya’ qaraxyada
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin u dirayay ciidamada dowladda ayaa sheegay in qarax kasta oo ka dhaca magaalada Muqdisho lasoo marsiiyo baraha koontrool ay ciidamada joogaan isla markaana aysan macquul aheyn in arrintaas mar kasta dhacdo.
Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billowday Shabeellaha Dhexe
Ciidamada dowladda iyo malleeshiyada Maciisleyda oo iskaashanaya ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay degaanno kuyaalla xadka kala qeybiya Gobollada Shabeellaha Dheex iyo Galgaduud.
XOG RASMI AH : Tirada ku dhimatay shaqaaqadihii ka dhacay Baydhabo.
Baydhabo ( Raxanreeb ) Iska hor imaadyo hubaysan oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac RBC ayaa ogaatay markii ugu horeysay tirada ku geeriyootay shaqaqadihii ka socday maalmahan magaalada Baydhabo , kaas oo u dhaxeeyay kooxo hubaysan oo ku kacsan maamulka iyo ciidanka Koonfur Galbeed. Toban...
DEG-DEG : Maleeshiyo hubaysan oo rayid ku laayay Mudug
Gaalkacyo ( Raxanreeb ) Degaanka Xero Jaale oo Mudug ka tirsan ayaa Waxa ay Dabley hubeysan rasaas ku fureen Qoys Reer -guuraa Ah Oo Ka Soo Jeedah Deganada Galmudug. Inta la Xaqiijiyey 1 Qof ayaan ku ku geeriyooday Waxa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qoyska. Dad ku sugan Gaalkacyo...
Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay
Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.
Jarmalka oo gacanta ku dhigay shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda oo u basaasayay Ruushka
Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.
