XOG RASMI AH : Tirada ku dhimatay shaqaaqadihii ka dhacay Baydhabo.

Baydhabo ( Raxanreeb ) Iska hor imaadyo hubaysan oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac

RBC ayaa ogaatay markii ugu horeysay tirada ku geeriyootay shaqaqadihii ka socday maalmahan magaalada Baydhabo , kaas oo u dhaxeeyay kooxo hubaysan oo ku kacsan maamulka iyo ciidanka Koonfur Galbeed.

Toban iyo shan qof  oo isugu jira labada dhinac iyo rayid ka ag dhawaa halka iska hor imaadyadu ay ka jireen ayaa ku geeriyootay weeraradaas , halka tiro dhan labaatan qof ah ku geeriyoodeen.

Dadka dhaawacmay kuwa maamulka koonfur Galbeed ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada halka dhinacyadii kale ee la dagaalamayay la dhigay goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo gudaja magaalada ah.

Xaaladda magaalada Baydhabo waa ay degan – tahay , inkastoo markasta wax isbedeli karaan , maadam wax xal ah laga gaarin xiisadda ka jirta magaalada Baydhabo.

Saraakiisha daacada u ah madaxwaynaha koonfur galbeed ayaa ku hanjabaya in talaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay qalqal galiso xaaladda deegaanada maamulka koonfur galbeed , taas oo keentay in la xiro xubno diiday muddo kordhinta.

Madaxwaynaha koonfur galbeed ayaa kol hore sheegay in waqtiga ay kordhiyeen xildhibaanada Barlamaanka maamulkaas oo la is waafajiyay labada doorasho ee Madaxwaynaha iyo tan Barlamaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.