Muran iyo dood ayaa ka taagan doorashada hoggaanka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo la filayo inay qabsoonto 28 bishan December. Guddiga Doorashada ee xiriirka ayaa sheegay in hal murashax oo kaliya oo ah kan hadda sida kumeel gaarka ah madaxda uga ah xiriirka kubadda cagta uu soo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa, isaga oo kaliyana uu u tartami doono gudoomiyaha xiriirka.
Day: December 12, 2022
Askarigii loo heystay dilka Juweyriya Subcis oo dil toogasho ah lagu xukumay
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.
Maxay tahay digniinta culus ee uu soo saaray maamulka Gedo
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri.
Ciidamada dowladda oo deegaan cusub ka qabsaday Al-Shabaab
Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka ee Macawiisley.
Muxuu yahay safarka Aadan Madoobe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Dagaal yahano katirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday kolonyo Kenyan ah
Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaaday gaari marayay inta u dhaxeysa degaannada Jabibar iyo Bamboo ee Waqooyiga Mandheera ee dalka Kenya , sida ay booliisku sheegeen.