Xildhibaannada reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay kusoo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, “kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda.
Day: December 14, 2022
Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin u dhashay Canada oo ku biirayay Al-Shabaab
Booliiska kahortagga iyo la dagaallanka Argagixisada Kenya (Kenyan Anti – terrorism Police Unit -ATPU) ayaa xabsiga dhigay Ilyaaas Cabdulxamid (Elias Abdulhamid) oo ku eedeysan in uu qorsheeynayey in uu ku biiro dhaq-dhaqaaqa Alshabaab oo dowladda Soomaaliya kula jirto dagaal culus laga soo billaabo June-2022, Booliiska ayaa shaaciyey in la tuhunsaan yahay lagu qabtay magaalada Lunga lunga ee ismaamulka Kwale kaas oo 6KM oo keli ah u jirta xadka Kenya kala dhexeeya dalka Tanzania.
Xamsa Barre oo gaaray Aadan Yabaal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminay ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab.
Maxay tahay sababta ka danbeysa kulankii labaad oo xiriir ah in uu baaqdo Golaha Shacabka
Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kaddib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha.
Madaxweyne Ramaphosa oo ka badbaaday codka kalsoonida
Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas.
Marooko ma waxay haysataa sababo badan oo ay ku dhiirran karto?
Marooko waa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo weliba Carab ah oo inta badan dadkiisa ay Muslimiin yihiin ee soo gaara nus dhammaadka Koobka Adduunka.