Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jiray Boqortooyada Sacuudiga.
Day: December 29, 2022
Pele Halyeygii Reer Brazil ayaa geeriyooday isagoo jira 82 sano jir ah.
Brazil ( Raxanreeb ) Halyeygii reer Brazil ee Pelé ayaa geeriyooday, kaas oo ahaa mid ka mid ah kuwii abid ugu wacnaa ee wax ka beddelay ciyaaraha. Pele ayaa mudooyinkaan dambe xanuunsanayay, dhowr jeer suuqa la soo geliyay in uu geeriyooday, ayaa waxa uu ka mid shaqsiyaadka taariikhda weyn ku leh caalaamka, gaar ahaan tan...
Ruushka oo duqeymihii ugu xoogganaa ku qaaday Ukraine
Magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday mowjado gantaallo ah oo Ruushku leeyahay, taasoo ka mid ah duqeymihii ugu waaweynaa tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Madaxweynaha Jabuuti oo lagu wado in uu maanta hortago Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad ka horjeediyo kulan ay isugu yimaadeen laba Aqal Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Aqalka Sare, taas oo qabanqaabadeeda ay ka socota xarunta Villa Hargeysa.
Wasiirka Difaaca Israa’iil oo sheegay ‘ in laga yaabo in ay weerari doonaan’ Iran
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Arbacadii hadal weyn oo uu ku sheegay in laga yaabo in Israa’iil ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran laba ama saddex sano gudahood.
Maalintii labaad oo rabashado ay ka socdaan Laascanood & suuqyada oo xiran.
Laascanood ( Raxanreeb ) Mudaharaadyo ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood kaas oo shacabku kaga soo horjeedaan dilalka Haldoorka magaaladaasi iyo Maamulka Somaliland. Dhinaca kale waxa maalintii saddexaad xidhan ganacsiga magaalada iyo dhammaan xarumaha waxbarashada. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo la sheegay in laga soo qaaday suuqa magaalada ayaa muujinaya goobaha ganacsiga oo...
Taliye Odawadaa Yuusuf oo ka hadlay ciidamada laga keenay Eritrea sida laga yeelayo
Taliyaha Ciidanka millatariga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ay dhawaan ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Waa Maxay qodobada Puntland ay diiday ee ku jira Warmurtiyeedka Madasha Qaran ?
Muqdisho ( Raxabreeb ) Magalaada Muqdisho waxaa lagu soo – gaba – gabeeyay shirka madasha wada-tashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Shirkan inta uu socday waxaa la isla gorofeeyay arrimo dhawr ah oo xaaladda dalka ah sida lagu sheegay war murtiyeed ka kooban shan qodob oo ka soo baxay Madasha. Shanta qodob ee...