Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa isku khilaafay doodda ku aadan amniga, gaar ahaan u yeerista hay’adaha amniga.
Day: December 21, 2022
Rag hubeysan oo dhac ka geysanayay degmada yaaqshiid oo boolisku soo qabteen
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kordhiyay howlgallada haatan ka socdo magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo dhac ka geysanayen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degay Diyaarad sidda ciidan qeyb ka ah kuwii Eretrea lagu soo tababaray.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Diyaaraddii u horreysay oo sida ciidankii Eritrea lagu soo tababaray ayaa goordhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Garoonka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ciidankan soo dhaweeyay. Imaanshaha ciidankan ayaa yimid maalmo uun ka dib markii Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu...
War ku soo kordhay nabadoon lagu dilay Muqdisho.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Heliwaa ee Muqdisho ku toogtay Nabadoon Xirsi Cali Diirshe oo si wayn loogu yaqiinay magaalada Muqdisho. Kooxda hubeysan oo goobjoogayaal ku tilmaameen laba nin ayaa baxsadey kadib falkan khaarijinta ah ee ay u gaysteen nabadoonka. Dilkan ayaa magaalad Muqdisho ka dhacay xilli ciidanka Booliska ay wadaan...
Bangiyada Itoobiya oo dib uga howl billaabay gobolka Tigray
Dhowr bangi ayaa sheegay inay dib u bilaabeen adeegyadii dadweynuhu ay ka heli jireen goobaha ay dowladdu maamusho ee gobolka Tigray ee Itoobiya markii ugu horreysay muddo sannad ah, kadib xabbad-joojintii bishii November ee dagaal dhiig badan ku daatay oo socday muddo laba sano ah.
Xog: darawalka guddoomiyihii hore BFS oo ku biiray Al-Shabaab
Waxaa maalmahan warbaahinta iyo baraha bulshada dhex socday cod la sheegey in uu yahay mid ka mida shaqaalaha Baarlamanka, darawalna u ahaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaas oo la sheegay in uu ku biiray Al-Shabaab.
Dhulgariir sababay dhimasho oo ka dhacay Mareykanka
Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ayaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.