Garoowe ( Raxanreeb ) Warsaxaafadeed ku saabsan Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa maanta oo sabti ah Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ka soo baxay . War-saxaafadeedka ka soo baxay PUNSAA ayaa danbi dagaal ku tilmaamay xasuuqa ay Somaliland ku waddo shacabka Laascaanood. PUNSAA ayaa sidoo kale ku baaqday in gabi ahaan la joojiyo – gacan...
Day: December 31, 2022
MD Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga Miisaaniyadda 2023
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u...
Guddoomiye Cirro: “Waxa ka socda Laascaanood ma ahan arrin la aqbali karo”
Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, Musharraxa Xilka Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi usoo jeediyay in ay Ciidamada ka dulqaaddo Shacabka Magaalada Laascaanood.
Ciidamada Eritrea oo ka baxay gobolka Tigray
— Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada dowladda federaalka Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka.
Maxkamadda sare ee Iran oo aqbsashay racfaan loo gudbiyay
Maxkamadda sare ee dalka Iran ayaa aqbashay racfaan uu ka qaatay qofka kamid ah dadkii dibadbaxyada ka dhigayay dalkaas kaasoo lagu xukumay dil xili dhawaan ay dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada.
Madaxweyni Deni oo baaq kasoo saaray rabshadaha ka socda Laascaanood
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo maalmihii tegay ay ciidamada Somaliland ku dileen dad shacab ah.
Farmaajo “Somaliland waxay laayeen birimigeydyo” Laascaanood
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo weerar toos ah ku qaaday Somaliland.
Rabshado ka sii socda Laascaanood & ciidamo Somaliland halkaas u dirtay.
Laascanood ( Raxanreeb ) Wararaka RBC uu ka helayo magaalada Laascanood ayaa sheegaya in halkaas wali ay ka sii socdaan rabshado balaaran. Dadka magaalada ayaa sii wada talaabooyinka ay ku diidan yihiin dhibaatooyinka ciidanka Somaliland ay ku hayaan sanadaha badan dadka ku nool gobolada Sool sanaag iyo Cayn. Waxaa xiran goobo badan oo ganacsi waxaana...
78 suxufi oo Soomaaliya lagu dilay 20-kii sano ee lasoo dhaafay
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ku dhawaad 1,700 oo suxufiyiin ah ayaa lagu dilay caalamka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, tiradaas oo celcelis ahaan noqoneysa in la dilay inka badan 80 sanadkii, sida lagu sheegay falanqeyn ay daabacday hay’adda suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee Reporters Without Borders. Hay’adda fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faranksiiska ayaa sheegtay...