Muqdisho ( Raxanreeb ) waxaa caawa isha lagu wada hayaa kulanka u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxanuud iyo Guddiga joogtada ah ee Barlamaanka Soomaaliya. Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaan doono sida xogta aan ku helnay Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Kulankan ayaa daba socda mooshino dhowr ah oo la...
Day: December 4, 2022
Madaxweyne Zelenskyy ayaa sheegay waddamo ay Soomaaliya ku jirto inuu deeq siinayo
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya & Yemen oo xaalado bani aadamnimo ay ka jiraan.
Isra’il ayaa diyaarado ku duqeysay qeybo ka mid ah Falastiin
Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weerar ku qaaday goobo ku yaalla marinka Qaza, kaddib markii gantaal uu ku soo dhacay koonfurta Israa’iil, iyadoo xiisaddaasi ay gaartay heer aad u kulul oo ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo 10 Falastiiniyiin ah ay ku dileen ciidammada Israa’iil tan iyo toddobaadkii hore.
Xamsa Barre oo kulan la qaatay qaar katirsan dowladda Norway
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta caalamiga ee dowladda Norway.
Booliska Soomaaliya oo qabtay nin dilay haweeney
Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar 17 sano jira ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaas oo xarun u ah Shabeellaha Dhexe.
Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faahfaahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay faah faahiyay sababta uu Wasiir Muqtaar Roobow ugu soo daray dowladdiisa. Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu ugu gol- leeyahay magacaabista Wasiir Mukhtaar sidii xubno kale ay ugu soo biiri lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan...
Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay nin isbaaro ku dilay darawal
Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiillay Balcad meesha looga baxo.
Ganacsade Ceelasha – Biyaha loogu dilay in laga qaato Telefoon
Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in halkaas saaka lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada deegaankaas. Sida lagu soo waramaya nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa kooxda dilka u gaystay iyaga ka doonayay in ay ka qaataan telefoon uu gacanta ku sitay. Kooxda dilka – gaystay...
Shil sababay khasaare hantiyeed oo ka dhacay magaalada Boosaaso
Boosaaso (Raxanreeb ) Shil gaari oo sababay khasaare kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Shilka oo dhacay Agagarka cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay. Labada gaari oo kala ahaa nooca loo yaqaan Noha iyo gaari Bas ah oo siday arday...
Dagaal ay ka qayb galeen diyaarado dagaal oo ka dhacay deegaan hoos yimaad Aadan yabaal.
Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad ku dhaxmaray degaanka Guulane ee degmada Aadan yabaal Gobolka Shabeellaha Dhexe Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Dowladda iyo kuwa deeganka weerar ay ku qaadeen degaanka Guulane oo ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab. Waxaa...