4 qof oo lagu toogtay maanta Somaliland.

4  qof  oo lagu toogtay  maanta Somaliland.

Hargaysa (Raxanreeb ) Meel fagaara ah oo banaanka Xabsiga Mandheera ee Somaliland ayaa Maanta oo Talaada ah lagu toogatay Afar Ruux oo lagu eedeeyay inay horay dilal u geysteen.

Dadkan la toogtay ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa horae xukun dil ah ugu riday.

Toogashadan oo qorshaha uu ahaa in lagu fuliyo shan qof ayaa laga reebay mid ka mid ah ka dib markii ehelada dhibaatadu kala gaartay heshiis ay ka gaareen.

Dad la dilay waxaa ku jiray maanta Korneyl ka tirsanaa Ciidanka Millatariga Somaliland, kaasi oo horey Magaalada Hargeysa ugu dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Najma Cabdillaahi Maykal>

Goobta dilkan uu ka dhacay waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah ehladada dadka dadka wax laga dilay iyo kuwa la dilayay labaduba.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in goobta ay tageen dad shacab ah kuwaas oo daawanayay sida ay wax u dhacayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.