Wasiirada Gaadiidka & Duulista oo loo haysto inay shaqaaleysiisay qoyskeeda

Wasiirada Gaadiidka & Duulista oo loo haysto inay shaqaaleysiisay qoyskeeda

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa hortegtay xubnaha guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka, kuwaas oo wax ka weydiiyay howlaha shaqo ee wasaarada.

Guddiga ayaa su’aalaha muhiimka ah ee uu weydiiyay wasiir Fardowso waxaa kamid ah inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo dhow yihiin, sida lagu shaaciyay baraha bulshada.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo kamid ah guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan illaa sideed qof oo ay qaraabo yihiin wasiiraddu oo laga shaqaaleysiiyay wasiiradda gaadiid iyo duulista hawada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkaasi aysan soo xaadirin shaqada, isla-markaana ay ku kala sugan yihiin gudaha dalka iyo dibaddiisa, sida uu ku dooday.

“Maalmahan waxaa ku jira warbaahinta iyo social media-ha inaa qortay dad tiradooda ay dhan tahay sideed qof oo aan badankood shaqooyinka soo xaadirin, kuna kala sugan Puntland, Mareykanka, Kenya iyo Uganda, Maxaa ka jira ?” ayuu weydiiyay xildhibaanku.

Fardowsa oo ka jawaabtay su’aashan ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu leeyahay nidaam la maro iyo hay’ado ka shaqeeya, sida guddiga shaqaalaha iyo wasaaradda shaqada.

“Xildhibaanow dalkan wuxuu leeyahay nidaam shaqaale oo la maro, mas’uuliyadaasna cidbaa dowladda u heysa, guddiga shaqaalaha rayidka ayaa jira, wasaaradda shaqada ayaa jirta, marka nidaamka shaqaalaha loo maraayo iyo haddii sharci la jabiyo iyaga ayay la taalaa, taas waa mid” ayay tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay beenisay inay jiraan siddeed qof oo ay ka shaqaaleysiisay wasaaradda, waxayna ka dalbadatay xildhibaanka inuu dabagal ku sameeyo arrintaasi, soona hubiyo.

“Waxaa tahay xildhibaan xog walba oo u baahato oo sharci ayaad heli kartaa oo aan aheyn wax Facebook lagu qoro, dadka la leeyahay wasiir Fardowso ayaa shaqaaleysiisatay oo siddeeda qof ah magacyadooda oo saddexan ayaa meesha ku qoran waxaan jeclaan lahaa intaad qaado wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda shaqaalaha u qaabilsan waddanka inaa tegto oo aad kasoo eegto, haddii ay ku jiraan dadkaas magacyadooda oo shaqaale dowladeed ay yihiin anaa qaadayo mas’uuliyadda” ayay ku jawaabtay wasiir Fardowso.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Marka waxaan jeclahay inaad naga hubisaan oo ay noqoto wax sax ah oo soo dhex-maray systemkeena dowliga ah”