Baydhabo ( Raxanreeb Online) Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga jawabayaan cabashooyin kasoo yeeray musharrixiinta u tartamaya doorashada hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddiga ayaa xusay in xarunta ay doorashada ka dhaceyso amnigeeda ay mas’uul ka tahay GMDQS, isla markaana loo diyaariyay ciidamo gaar ah oo ka madax-bannaan dhammaan musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida uu dhigay qodobka 79-aad ee sharciga doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in la diyaariyay goob gaar ah oo dhammaan musharaxiinta ay u siman yihiin imaanshaheeda, sida uu qabo qodobka 79-aad farqadiisa 2-aad ee sharciga doorashooyinka.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran.


Leave a Reply