Gaalkacyo (Raxanreeb) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa markale Xukunno dil toogasho ah, ku ridday 10 ruux oo Dhallinyaro u badan kuwaas oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab isla markaana ay geysteen dilal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
Tobanka qof waxaa kamid ah Rag si gaar ah ugu eedeysan in ay Waqooyiga Gaalkacyo ku dileen AHUN Jamaal Faarax Aadan oo Wariye ahaa, waxa ay racfaan ka qaateen xukunkii horay ugu dhacay ee toogashada ahaa balse Maxkamadda ay xukunkii horay raacday.
Magacyada 10 Rag ee Dilka lagu xukumay ayaa kala ah:
1-Cadde Cabdullaahi Maxamed Cilmi.
2-Cabdiqani Suleymaan Jaamac Sayloor.
3-Xasan Jaamac Maxamed.
4-Maxamed Cali Axmed Muuse.
5-Farxaan Faysal Salaad Xirsi.
6-Cabdullaahi Faysal Xuseen.
7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur.
8-Liibaan Aadan Muuse.
9-Cabdiqani Farxaan.
10-Cabdiraxmaan Cawil.
Puntland ayaa dhowaan toogasho wadareed u geysatay 19 ruux oo dhammaantood rag wada ahaa marka laga reebo 6 askari oo dilal geysatay waxa ay 13 kale ahaayeen Dad ku eedeysan in ay katirsan Al-Shabaab isla markaana dilal geysteen.