Muqdisho (Raxanreeb ) – Ka dib weerarkii xerada Gordan ee lagu laayay saraakiil ka tirsanaa Imaaraadka carabka waxaa soo baxaya falcelin xoogan iyo dhaleeceeyn loo jeedinayo hoggaanka dalka oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyihii hore ee Hay’adda NISA , Fahad Yaasiin oo war qoraal ah ku daabacay degalkiisa X ayuu kaga hadlay dabacsanaanta amniga ee dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu qoraalkiisa ciwaan uga dhigay sida tan :
𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐀𝐌𝐍𝐈 𝐌𝐈𝐒𝐄 𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍?
Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay.
‘’Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.
Marka uu Amiir Ku Xigeenkii hore ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?
Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.
Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo ‘’.
Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baarayso sida uu u dhacay weerarkaas oo uu fuliyay askari ka mid ahaa ilaalida xerada Gordan oo ku taala degmada Hodan ee mgaalada Muqdisho.
Leave a Reply