Taiwan (Raxanreeb) — Duullimaadka ka soo baxay Shiinaha ayaa soo afjaray dhibkii foosha xumaa ee loo geystay ganacsadahan u dhashay Taiwan oo dalkaas lagu haystay in ka badan 1,400 oo maalmood.
“Waxaan dareemay nafis weyn ka dib markii aan maray baaritaanka baasaboorka, wax yarna waan ooyay,” ayuu u sheegay BBC todobaadkan. “Waxaan ku soo noqday adduunka xorta ah.”
Mr Lee ayaa la xiray oo xabsiga la dhigay 2019-kii ka dib markii uu sawiro ka qaaday saraakiisha booliiska Shenzhen. Waxaa lagu eedeeyay basaasnimo iyo xatooyo sirta qaranka – eedeymahaas oo uu hadda beeniyay.
Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii Luulyo 2021, laakiin waxaa laga hor istaagay inuu ka baxo Shiinaha maadaama “laga xayuubiyey xuquuqda siyaasadeed”.
Waa naadir in Beijing ay ku soo rogto ciqaabtan, oo ay ku jirto mamnuucid inay ka baxaan Shiinaha , dambiilayaasha aan u dhalan dhul weynaha Shiinaha.
BBC