Nin kufsaday oo dilay 100 carruur ah isla markaana qirtay

Nin kufsaday oo dilay 100 carruur ah isla markaana qirtay

Lahore (Raxanreeb) — Javed Iqbal ayaa nafta dhaafiyay 100 carruur ah oo uu maydadkooda u daadiyay si bini’aadantinimada ka baxsan iyo habka aan naxariis lahayn.

Sidee nin si arxan darro ah ugu dili karaa 100 carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 jir? Javed Iqbal runtii ma bukaan maskaxeed buu ahaa? Mise waxa uu falkan foosha xun u geystay qaab kale?

Dadka qaar ayaa sheegaya in aan ilaa hadda la soo bandhigin xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xasuuqii 100-ka carruur ah ee dunidu ka naxday.

Qaar baa xitaa su’aal ka keena in 100-kan dil ay dhab ahaantii dhaceen. Maxkamad ku taal Pakistan ayaa amartay in gacan ku dhiiglaha lagu xukumo dil sida ay tahayba.

100 caruur ah ayaa lagu dilay ceejin. Maydadka ayaa markaa la jarjaray oo la burburiyay iyadoo lagu dhex milay aashitada hydrochloric.

Waxaa la sheegay in Javed Iqbal uu dhammaan dilalkan ku geystay gurigiisa oo ku yaalla 16B, Ravi Road ee Lahore. Gurigan waa mid yar laakiin waxa uu leeyahay saddex qol oo waasac ah. Javed ayaa kiraystay. Immisa qof ayaa ku noolaa gurigan?

In kasta oo eedaysanaha ugu weyn, dembiilayaasha kale iyo markhaatiyaasha la xiriira xasuuqan, oo aan ahayn Lahore iyo Pakistan oo keliya, laakiin adduunka, inta badan aanay hadda jirin, haddana warbixintan ay BBC-du samaysay waxay la hadashay qaar ka mid ah qaraabada Javed Iqbal iyo qaar ka mid ah dadka ugu dhow.

Waxa kale oo baaritaanka sii fududeysay goobta iyo hubinta xusuus qorka Javed iyo qaar ka mid ah dukumentiyada kale.