UNICEF ”dhimashada 22 caruur Soomaaliyeed waxay nagu uur-ku taallo”

UNICEF ”dhimashada 22 caruur Soomaaliyeed  waxay nagu uur-ku taallo”

Muqdisho (Raxanreeb ) Ka dib  markii maalin ka hor ku dhawaad 22 caruur ah ay ku dhinteen waxyaabaha qarxa oo ay ku  cayaarayeen gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa arintaas ka hadlay Hay’adda Qaramada  Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF.

UNICEF ayaa sheegtay  inay aad uga naxday maqalka warkaas, maadaama in ka badan 20 carruur ah ay ku dhinteen walxo qarxyo oo ay ku ciyaarayeen.

Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay caruurtu ku ciyaareysay.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayay tiri UNICEF.

Waxaa jira halis, soo noqnoqota oo ku aaddan, hubka iyo walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ka dhanka ah al-Shabaab, taas oo mararka qaarkood, laga helo goobaha miyiga ah, iyaga oo aan qarxin.

Waxaa kale oo ay hay’addu xustay in ay ka qayb qaadan doonto gurmadka loo fidinayo qoysaska ay dhibaatada kasoo gaartay dhacdadaasi.

Carruurta geeriyootay ayaa oobta ku cayaareysay Banooni, balse qaarkood ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay, waxaana halkaas ku dhintay 27 qof, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley

Leave a Reply

Your email address will not be published.