XOG : Sababta dib u dhaca  kulanka Barlamaanka ee meelmarinta Dastuurka.

XOG : Sababta dib u dhaca  kulanka Barlamaanka ee meelmarinta Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb) –Maanta oo Arbaca ah waxa dib u dhac uu ku yimid kulan Villa Hargaysa ay ku yeelan lahaayeen  Barlamaanka labadiisa Aqal waxaana soo baxaya xog ku saabsan sababta  baaqashada kulanka.

Xildhibaanada ay  qorshaha ugu jiray maanta  meel marinta cutubyo ka mid ah Dastuurka oo dood adag wali ay ka taagan tahay habka loo marayo isla markaana tuhun badan uu jiro.

Waxa socda Olole culus oo lagu doonayo in meesha laga saaro in Barlamaanka labadiisa aqal ay meelmariyaan cutubyada wax ka bedelka lagu sameeyo taas oo ay diidan yihiin madax hore iyo siyaasiin badan oo Soomaaliyeed.

Barlamanka Soomaaliya ayaa  maalmahan waxa uu dood adag uu ka lahaa , wax ka bedelka Dastuurka KMG ah oo ay riixayso Villa Soomaaliya inkastoo wali lagu dhegan yahay.

Magaalada Muqdisho waxa si aad ah  uga socda shirarka looga hadlayo arrimaha Dastuurka oo jihaysay , waqtiga Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Madax hore  iyo siyaasiin ku sugan magaalada Muqdisho oo ka hadlay wax ka bedelka Dastuurka ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid la doonayo in lagu marin – haabiyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlay Dastuurka dhawaan waxa uu sheegay in la meelmarin doono wax ka bedelkiisa , waxana u weerar afka ah ku qaaday madaxdii hore ee diidan qorshihiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.