Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.
Month: January 2023
Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay baraha bulshada kaasoo ahaa in ay safaarad ka furan rabto Hargeysa Somaliland.
Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Xarardheere kaddib markii Al-Shabaab ay iskaga baxeen
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Xarardheere oo ay shalay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.
NISA howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay Haweeney & walxaha qarxa
Askarta nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howl-gal ay xalay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir waxay shaaciyeen in ay kusoo qabteen haweeney uu gurigeeda ku keydsanaa hub iyo wax-yaalaha qarxa. waxay sidoo kale baahiyeen sawirrada wixii ay gacanta kusoo dhigeen.
Mareykanka oo $10 Milyan oo Doollar dul dhigay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.
Nairobi (Raxanreeb ) Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas ku geeriyootay 22 qof oo lagu daray 5 ruux oo ah kooxdii weerarka fulisay, Mareykanka ayaa...
Madaxii howlgalada Kooxda Daacish oo Puntland lagu dilay
Garowe (Raxanreeb ) Ciidanka ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay dileen Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Balidhidiin ee gobolka Bari. “Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland...
Waa deegaanadii goobaha ciidanka Dowladda ay la wareegeen ?
Baxdo ( Raxanreeb) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Jimcaha ay la wareegeen deegaanno hor leh oo ka tirsan maamulka Galmudug. Ciidankan ayaa gacanta ku dhigay degaannada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee Gobolka Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug....
Madaxweyne lagu xukumay bixinta magta dad uu qarax ku dilay
Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.
Sawirro: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta
Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah.
Sarkaal ciidan oo dil loogu xukumay inuu fududeeyey qaraxyo
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.