Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aways ayaa faahfaahin maanta oo Arbaca aha ka bixiay howlgalada Dowladda ee ay ka wado deegaano badan oo gobolada dalka Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxa uu xusay wasiirka...
Month: January 2023
Rasaasta Dowladda oo laga iibiyo kooxda Al- Shabaab
Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soo baxaya war dhiilo leh oo la xiriira in hadda goobaha dagaalada ay ka socdaan lagu kala iibsado – rasaasta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijinaya jiritaanka rasaas ciidanka Dowladda ay lahayeen oo laga iibiyay kooxda Al- Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Ciidanka oo aan...
Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay rag ku eedeysan dil oo kasoo baxsaday Garowe
Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxwayne Xasan Sheekh & Safarkiisa Xarardheere ee Mudug
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu gaaro degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo dhawaan laga saaray kooxda Al- Shabaab. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay degmada xarardheere waxa uu la kulmi doono saraakiisha ciidan ee hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay degmada Xarardheere. Degmada Xarardheere ee gobolka ...
DEG –DEG : Hoobiyaal lagu garaacay Villa Somali ee magaalada Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Dhawr madaafiic ah ayaa maanta oo Talaad ah lagu garaacay meelo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya oo ku taala degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Dadka ku nool hareeraha Villa Soomaaliya ayaa sheegay in hoobiyaasha qaar ay ku dhacayeen xaafadaha ka ag dhaw Villa Soomaaliya. Jugta dhawaqa Hoobiyaashan ayaa maanta laga maqalayay...
Shabaab lagu laayay gudaha dalka Kenya & khasaaraha jira
Garisa (Raxanreeb ) Ciidanka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in weerar qorshaysan ay ka fuliyeen Deegaanka Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al- Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorshaysan isla markaana ay ka war...
Raila Odinga oo sheegay in uu san aqoonsaneyn dowladda William Ruto
Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.
Erdoğan oo Sweden u diiday NATO inay ka mid noqoto
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu Dalka Sweden ka hor istaagayo ku biirista Isbaheysiga NATO oo codkooda keliya uga dhiman haddii ay helaan in uu dalkaas xubin ka noqdo isbaheysigaas.
Maalintii 2aad oo magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka Culuma’udiinka
Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa maalintii labad galay shirka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed , kaas oo shalay ka furmay isla magaalada Muqdisho. Shirkan oo si rasmi ah u daahfuray Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in gaba gabadiisa ay ka soo baxaan qodobo xal u ah xaalada dalka ka jirta si gaar ah...
DABAGAL : Khasaraha ka dhashay qarax ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta oo Talaada ah ka dhacay isgoyska siinaay ee magaalada Muqdisho, Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu qarxay gaari yaallay wadada hareeraheeda, kaas oo la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay gaariga qarxay ayaa sababay dhimashada hal qof oo ahaa wadihi...

