Shabaab lagu laayay gudaha dalka Kenya & khasaaraha  jira

Garisa (Raxanreeb ) Ciidanka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in weerar qorshaysan ay ka fuliyeen Deegaanka Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorshaysan isla markaana ay ka war heleen in Shabaab halkaas uu ku dhuumalaysanayo.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in weerarkaas ay ku dileen lagu dilay 12 dagaalame oo ku dhuumaalaysanayay degaanka Sedahgose isla markaana ay ku qabteen nolosha sarkaal kooxda ka tirsanaa.

War ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in Maxkamad uu wajahi doono sarkaalkan  gacanta ay ku dhigeen isla markaana ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.

Kenya ayaa adkeysay amniga xadkeeda, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaaday Shabaab, weeraradaas oo kooxda lagaga qabsaday magaalooyin waaweyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.