Eritrean ka horjeeda dowladda oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay xaflad lagu taageerayay dowladda taas ka dhaceysay caasimadda Sweden ee Stockholm.
Day: August 5, 2023
Ukaraine oo duqeysay markab shidaal oo uu Ruushku leeyahay
Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo shidaal siday ayaa waxaa duqeeyey oo naafeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, waxaana loo malaynayaa in uu yahay weerarkii ugu horeeyey ee lagu qaado markab ganacsi tan iyo markii Moscow ay ka baxday heshiis lagu ilaalinayey maraakiibta rayidka ah ee marayey Badda Madow.
Raiisul-wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah
Ra'iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib eedeymo musuqmaasuq oo uu beeniyay.
Xarunta wasaaradda awqaafta ee Masar oo uu dab ka kacay
Subaxnimadii saaka ayaa waxaa dab xooggan uu ka kacay dhismaha Wasaaradda Awqaafta ee ku taalla bartamaha magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana kooxaha dab-demiska oo uu kormeerayo guddoomiyaha magaalada Qaahira billaabay dadaallo lagu xakameynayo dabka.
Xuseen Sheekh Maxamuud miyuu ku deg degay ka tagista Villa Somalia ?
Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soo baxaya war ku saabsan inuu baneeyay xilka Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo saxiib dhaw lahaa Madaxwaynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud In muddo ahba waxaa la hadal hayay in Xuseen uu damac kaga jiro xilka Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii waqtiga uu ka dhamaaday Cabdicasiis Laftagareen....
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo la xiray
Lahore (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaarihii hore ee ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtida maanta ah kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah inuu galay dambiyo, wuxuuna ku xukumay seddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha Pakistan. “Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu...
Jubbaland iyo dowlad deegaanka oo arrimo xasaasi ah kawada hadlay
Jigjiga (Raxanreeb ) Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Godey ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cagjar. Kulankan dhax maray madaxda labada maamul ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo fududeynta isu...
Helsinki oo lagu qabtay xaflada sanadguurada 25aad Puntland & aas aaska khaatumo
Helsinki (Raxanreeb) Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland lagu qabtay munaasabad isku sidkan oo loogu dabaal degayo 25 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska Puntland iyo Aas-aaska Khaatumo oo todobaadkan lagu dhawaaqay. Waxaa ka qayb galay ,munaasabadan Inta badan Soomaalida ku nool dalkaas , masuuliyiin , aqoonyanno qaybaha bulshada iyo hogaamiyaasha Soomaalida ee xillaka ka...
Dhaqdhaaq sidee ah ayaa maanta ka socda Dhuusmareeb ?
Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladd Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Ciidamo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa la geeyay degmada Dhuusmareeb , halkaa soo howlgal ay ka samaynayaan ka hor gaaritaanka Madaxwaynaha ee Degmadaas oo aad loo hadal hayo. Magaalada Dhuusamareeb ayaa...