Muqdisho (Raxanreeb ) Weerarkii Dowladda Soomaaliya ay ku qaaday , Generaal Sheegow isla markaana lagu xiray ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo beelaha qaar si adag ay uga hadlaan. Magaalada Muqdisho waxaa isugu soo baxay siyaasiin iyo xildhibaano beel ahaan ka uu ka soo jeedo Generaalka laga soo jeebeeyay degmada Dharkanlay halkaas oo uu...
Day: August 19, 2023
Bulbul oo ku jiro afduub & Garsoore la horgeeyay maanta
Muqdisho (Raxanreeb ) Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate – SJS mr. Mohamed Ibrahim Bulbul ayaa barqadii maanta loo kexeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, halkaasoo si la yaab leh ay boolisku u qirteen in qabashadiisu aysan u heyn wax sharci ah. Waxay ku eedeeyeen taliska NISA inay u keeneen oo boolisku soo qabanin Bulbul....
Kulankii BFS oo baaqday maanta
Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaca ka qaaday guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Booliska oo war kasoo saaray qabashada Jeneraal Sheegoow
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dagaalkii xooganaa ee xalay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
WARCUSUB : Hoobiyaal lagu garaacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb) Tiro hoobiyaal ah ayaa saaka ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho sida ay ku warameen goobjoogayaal halkaas ku sugan oo aan la hadlnay. Hoobiyaashan ayaa ka mid ah tiro hoobiyaal ah oo ku dhacayay saacadihii la soo dhaafay degmooyinka Wadajir iyo dharkanlay ee magaalada Muqdisho halkaas oo iska hor imaad uu...
Wariye Bulbul oo maalintii Seddaxaad ku afduuban Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul ayaa maalintii sedaxaad ku afduuban magaalada Muqdisho. Khamiis ayaa rag hubeysan oo dhar cad ahaa, isla markaana watay baabuur aan lahayn calaamad ay ka kaxaysteen xarunta Jaamacadda Muqdisho oo uu ku sugnaa. Raggaasi oo watay bastoolado ayaa Bulbul ku bilaabay weerar gacan qaad ah iyo handadaad ka hor...
Ciidanka Dowladda oo isku eryanaya waddooyinka caasimadda
Muqdsho (Raxanreeb) Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa in ka badan 24- saac waxa ay ku dul dagaalamayaan dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmada Dharkanlay ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan waxa la sheegay inuu dhaxmarayo ciidamo uu hoggaaminayo , Sheegow Axmed Cali oo kamid ahaa saraakiisha Xoogga dalka iyo ciidamo kale ka tirsan...