Caabuq ayaa sababay in Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah.
Month: January 2024
Dagaal culus oo ka dhexqarxay ciidamada SSC
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaasoo u dhaxeeya ciidamada SSC-khaatuma.
Madaxweyne Sisi oo martiqaad u fidiyey madaxweyne Xasan
Madaxweynaha dalka Masar, Cabilfataax Alsisi, oo martiqaad rasmi ah, u sameeynaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Eritrea, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Sonna.
Senator-rada Soomaaliya oo lagu kari la’ yahay inay yimidaan Aqalka Sare.
Maanta oo Talaada ah waxaa lagu waday in fadhi xaroontooda ay ku yeeshaan , xubnaha aqalka saree ee Barlamaanka Soomaaliya, hase ahaatee waxa uu u baaqday kooram la’aan. Fadhiga ayaa ujeedku ahaa maanta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo Doonka . Guddoomiyaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya , Cabdi Xaashi ayaa sheegay in...
NISA ‘’Waxaan soo qabanay Shabaab-kii ugu badnaa oo ku sugnaa Hiiraan‘’.
Beledwayne (Raxanreeb ) War ka soo baxay hay’adda Sirdoonka NISA ayaa lagu sheegay in howl-gal ay ka sameeyay ciidankooda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxaa lagu sheegay warka in howlgalada ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo hareerahoed. Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay...
Masar oo wafdi usoo dirtay Soomaaliya
Dowladda dalka Masar, ayaa wafdi xooggan usoo dirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, xilli ay jirto xaalad kacsanaan ee u dhaxeeysa dalka Aoomaaliya iyo Itoobiya iyadoo dhowaan maamulka Somaliland, ay Itoobiya ula galeen heshiis is afgarad ah, oo ku saabsan 20km badda Soomaaliya in Itoobiya la siiyo.
XUKUUMADDA Xamse : Seddax wasaaradood oo muhiim ah malaha Wasiiro.
Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda uu hoggaamiye Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre waxaa ka baxay seddax wasiir kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la buuxin boosaskooda. Wasaaradaha ilaa iyo hadda aan lahayn wasiiro waxaa ka mid ah Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ,Wasaarada haweenka iyo xuquul Insaanka iyo Wasaaradda amniga gudaha. Wasiirkii arrimaha Arrimaha dibada Abshir Huruuse ayaa...
Madaxweyne Xasan oo u safray dalka Eritrea
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka degay caasimadda Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uu ka billaabayo booqasho rasmi ah.
Dib u doorashada DENI maxay uga dhigan tahay Xasan Sheekh ? Jaangoynta 2026.
Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe oo in mudda ah uu ka jiray karkar siyaasadeed ayaa maanta oo isniin ah waxa ka dhacay isbedel soo afjaray muran in muddo ah ka taagnayd geedi socodka doorashada. Doorashada oo ay riixayeen danlay badan oo siyaasadeed ayaa waxaa ku guulaystay in shanta sanno ee soo socota uu layliyo maamulkaas...
Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo la doortay- sidee u dhacday ?.
Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday doorashada Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taas oo qayb ka ah isbedelka Puntland shanta sanno ee soo socota. Madaxwaynaha Puntland waxaa mar labaad loo doortay Saciid Deni halka Madaxwayne ku xigeenka maamulkaas loo doortay Ilyaas Cusmaan Lugatoor. Lugatoor ayaa guuleystay ka dib markii...