Day: August 20, 2026

Home » Archives for August 20, 2026
Masar oo Itoobiya Digniin Adag Ka Soo Saartay Biyo-xireennada Nile
Post

Masar oo Itoobiya Digniin Adag Ka Soo Saartay Biyo-xireennada Nile

Qaahira (Raxanreeb Online): Dowladda Masar ayaa digniin adag ka soo saartay qorshayaasha Itoobiya ay ku dhisayso biyo-xireenno dheeraad ah oo laga sameeyo Webiga Nile, gaar ahaan qaybta Buluugga ah ee Nile. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in dalkiisu uu difaacan doono xuquuqdiisa biyaha Nile, isla markaana uusan oggolaan doonin tallaabooyin uu sheegay...

DEG-DEG: Doorashada Hirshabeelle oo Dib u Dhacday
Post

DEG-DEG: Doorashada Hirshabeelle oo Dib u Dhacday

Jowhar (Raxanreeb Online): Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, taas oo markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 20-ka Agoosto 2026. Sida ku cad warqad uu guddigu soo saaray 19-ka Agoosto 2026, dib-u-dhaca ayaa yimid kaddib markii guddigu qiimeeyay xaaladda diyaar-garowga doorashada...

Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka Wada Hadlaya Xoojinta Difaaca iyo Ciidanka Cirka+SAWIRO
Post

Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka Wada Hadlaya Xoojinta Difaaca iyo Ciidanka Cirka+SAWIRO

Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa sii wada wada-hadallada ku saabsan iskaashiga difaaca, heshiisyada milatari iyo kordhinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Pakistan u fadhiya Soomaaliya, Marwo Aqsa Nawaz, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal. Kulanka ayaa...

RW Xamsa: Dhaqaalaha Soomaaliya Wuu Soo Kabanayaa — Ganacsatada Bakaaraha Maxay Ka Tiri?
Post

RW Xamsa: Dhaqaalaha Soomaaliya Wuu Soo Kabanayaa — Ganacsatada Bakaaraha Maxay Ka Tiri?

Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu si weyn u soo kabanayo, isla markaana Soomaaliya ay ku socoto waddadii ay ku gaari lahayd isku-filnaansho dhaqaale oo ay kaga maarmi karto kaalmooyinka shisheeye. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumarka dhaqaale uu muujinayo adkeysiga iyo kartida bulshada...

Wasaaradda Maaliyadda: Dhaqaalaha Soomaaliya oo Kordhay 3.1%
Post

Wasaaradda Maaliyadda: Dhaqaalaha Soomaaliya oo Kordhay 3.1%

Muqdisho (Raxanreeb Online): Warbixin ay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya maanta soo bandhigtay, taas oo lagu horgeeyay Golaha Wasiirrada, ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha dalka uu kordhay 3.1%. Kororkan ayaa si gaar ah loogu cabbiray GDP-ga (Wax-soo-saarka Guud ee Dalka), oo ah halbeegga lagu qiimeeyo wax-soo-saarka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee dhaqaalaha dalka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa warbixinteeda ku...

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Lafta-gareen Ku Eedeeyay Qaraxyadii Baydhabo
Post

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Lafta-gareen Ku Eedeeyay Qaraxyadii Baydhabo

Baydhabo (Raxanreeb Online): Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Korsaar, ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, inuu mas’uul ka yahay 11 qarax oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Wasiirka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday inay waaranka soo qabashada ka jarto Lafta-gareen, isla markaana ay Kenya kala shaqeyso in gacanta lagu...

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo Ka Shiray Howlaha Sharci-dejinta
Post

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo Ka Shiray Howlaha Sharci-dejinta

Muqdisho (Raxanreeb Online): Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda toddobaadlaha ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xubnaha...

DEGDEG: Madaxa Sirdoonka Ecuador iyo 6 Qof oo Kale oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Kenya Ka Dhacay+SAWIRO
Post

DEGDEG: Madaxa Sirdoonka Ecuador iyo 6 Qof oo Kale oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Kenya Ka Dhacay+SAWIRO

Kenya (Raxanreeb Online): Madaxa Xarunta Sirdoonka Qaranka Ecuador, Michele Sensi-Contugi Ycaza, ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Samburu ee waqooyiga Kenya. Shilka ayaa dhacay 19-kii Agoosto 2026, kaddib markii diyaarad nooca helicopter-ka ah ay ku burburtay deegaanka u dhow Mount Ololokwe, xilli ay ku guda jirtay safar dalxiis. Wararka la xaqiijiyay ayaa...

Deni oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntland ee Saaxo
Post

Deni oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntland ee Saaxo

Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku sugan degmada Saaxo ee gobolka Mudug. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Mudug, G/Sare Sharmarke Sheekh Doon Aadan...

Itoobiya oo $2.2 Bilyan Ku Bixisay Taageerada Lacagteeda Birr
Post

Itoobiya oo $2.2 Bilyan Ku Bixisay Taageerada Lacagteeda Birr

Itoobiya (Raxanreeb Online): Dowladda Itoobiya ayaa sannadkan dadaallo xooggan ku bixisay sidii loo xakameyn lahaa hoos-u-dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalka, Birr-ka Itoobiya, iyadoo lagu qiyaasay in dowladda ay u adeegsatay ku dhawaad $2.2 bilyan si loo taageero loona xasiliyo lacagta qaranka. Sida ay baahisay Business Insider Africa, Birr-ka ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo dhanka...