Kor u qaadidda dhaqanka iyo wax-barashada dhallinta Soomaalida ee Minnesota! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk Mareykanka qaxootinimo baan ku nimid waana laynagu soo dhoweeyay! Minnesota waa gobolka ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed ee u soo haajiray dalka Maraykanka, waxaana lagu sheegaa 100 kun ilaa 107 kun mujtamac gaaraya oo Soomaali ah...