Maxey kawada hadleyn RW Xamsa, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ?

Maxey kawada hadleyn RW Xamsa, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaasi oo ka dhacay hotelka ay ka deggan yihiin xeyndaabka Xalane ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamsa, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, ayaa kulankooda diirada ku saaray xaalada guud ee dalka iyo in si wadajir ah loo wajaho arrima masiiriga ah ee dalka, sida amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay dhinacyadan oo siyaasad ahaan kala fogaa muddooyinkii dambe, balse waxaa la tilmaamay in kulankan uu horseedi karo in wadahadallada ay sii socdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.