Gedo (Raxanreeb Online): Diyaarad nooca Helicopter-ka ah ayaa ka degtay magaalada Beledxaawo, iyadoo sidday Cismaan Xaaji, oo la sheegay inuu ilmo-adeer la yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Cismaan Xaaji ayaa lagu sheegay inuu yahay Abaanduulaha Qaybta 43-aad, isla markaana yahay ku-simaha Taliyaha Qaybta oo xarunteedu tahay Kismaayo.
Diyaaradda ayaa Cismaan Xaaji ku dejisay xerada UK, halkaas oo ay ku sugan yihiin Cabdirashiid Janan iyo ciidamo taabacsan.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Gedo ka jiraan dhaqdhaqaaqyo iyo isbeddello dhinaca amniga iyo ciidamada ah.

Leave a Reply