Heshiis Hordhac ah oo Laga Gaaray Ciidamada Puntland iyo DFS

Heshiis Hordhac ah oo Laga Gaaray Ciidamada Puntland iyo DFS

Puntland (Raxanreeb Online): Sida ay SBC ku heshay xog, waxaa heshiis hordhac ah laga gaaray khilaaf ciidan oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr maalmood isku horfadhiyay deegaanka Kur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo, gobolka Karkaar.

Labada ciidan ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay deegaanka, waxaana sida xogta lagu helayo dhinacyada kala duwan ay isku fahmeen in xal laga gaaro khilaafka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiiska.

Warbaahinta ayaa lagu wadaa in saraakiisha ciidamada iyo dhinacyadii ku jiray dhexdhexaadinta ay si wadajir ah uga hadlaan heshiiska, isla markaana ay soo bandhigaan faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay.

Xigasho: SBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.