Magacyada Golaha Wasiirada Kenya ee la magacabay ee uu ku jiro Aadan Bare.

Magacyada Golaha Wasiirada Kenya  ee la magacabay ee uu ku jiro Aadan Bare.

Nairobi (Raxanreeb ) Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto ayaa maanta shaaca ka qaaday golihiisa wasiirada isagoo Aadan Barre u magacabaay inuu noqdo wasiirka gaashaandhigga Kenya.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaan ku jirin qof kale oo Soomaali ah marka laga reebo Aadan Ducaale, mana caddaa xubno kale ay dhiman yihiin
Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

William Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in Golaha Wasiirada cusub ay si deg deg ah uga howlgalaan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intiii lagu guda jiray ololaha doorashada.

HOOS KA AKHRISO Magacyada Golaha Wasiiradda.

1.Wasiirka difaaca-Aadan Barre Ducaale.

2.Wasiirka beeraha- Mithika Linturi

3.Wasiirka waxbarashada- Ezekiel Machogu

4.Wasiirka caafimaadka- Susan Nakumicha Wafula

5.Wasiirka arrimaha gudaha- Prof. Abraham Kithure Kindiki

6. Wasiirka adeegga dadweynaha- Aisha Jumwa.

7.Wasiirka gaadiidka- Kipchumba Murkomen

8.Wasiirka dalxiiska- Peninah Malonza

9.Wasiirka isgaarsiinta- Eliud Owalo

10.Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbaha -Dr. Alfred Mutua.

11-Wasiirka shaqaalaha- Florence Bore

12.Wasiirka biyaha- Alice Muthoni Wahome

13-Wasiirka ganacsiga- Moses Kuria

14.Wasiirka Maaliyada-Njuguna ndung’u

15.Wasiirka bariga Afrika-Rebecca Miano

16.Wasiirka deegaanka-Roselinda Soipan Tuya

17.Wasiirka dhulalka-Zachariah Mwangi Njeru

18.Wasiirka tamarta-Davis Chirchir

19.Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha-Ababu Namwamba

20.Wasiirka iskaashatada-Simon Chelugui

21.Wasiirka macdanta-Salim Mvurya

Leave a Reply

Your email address will not be published.