Guddoonka Barlamaanka  Puntland ee la diidan yahay oo doorasho qabanaya

Guddoonka Barlamaanka  Puntland ee la diidan yahay oo  doorasho qabanaya

Garoowe (Raxanreeb ) Maanta oo Talaaada ah Guddoomiyaha KMG ah ee Guddoonka Barlamaanka Puntland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Guddoonka Barlamaanka maamulkaas.

War  uu soo saaray Guddoomiyaha KMG ah Xasan Cabdalla Xasan ayuu sheegay inuu guddiga laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha  u gutaan waajibka saraan ee loo igmaday.

Warqad uu soo saaray Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka cusub ayuu ku magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban 7 xubnood.

Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame ayaa Guddoomiye looga dhigay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Baarlamanka sida ku cad Warqadda magacaabidda.

Barlamaankan cusub waxaa ka diiday oo ka soo horjeestay xubnaha mucaaradka kuwaas oo sheegay inuu yahay Barlamaanka ay riixayso Madaxtooyada Puntland.

Dhanka , waxaa magaalada Garoowe , ka socda shirar gooni gooni oo ay leeyihiin  siyaasiinta iyo xubnaha Ololaha ugu jira doorashada madaxtinimada Puntland kuwaas oo dhaliilsan sida uu wax u wado Saciid DENI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.