Ciidanka booliska ayaa war kasoo saaray dil ka dhacay magaalada Hargeysa , ciidanka booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay gacana kusoo dhigeen eedeysanihii ka dambeeyay dilka
Month: November 2022
Cali Jeyte: ma dhimanaayo inta uu noolyahay qof Shabaab ah
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo safar ku tegay deegaanka Tardo ee koonfurta gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab ayaa dowlad goboleedyada weydiiyey su’aal ah “War ma Shabaab-kaa iska iimaansateen
Cali Jayte “Sax ma ah in Beelaha Soomaaliyeed ay nagu fiirsadaan dagaalka Al- Shabaab “
Beledwayne ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte oo safka hore kaga jira dagaalka Hiiraan ee ka dhanka ah Al- Shabaab ayaa sheegay in cagta ay marin doonaan kooxda . Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Hiiraan in aan la aqbali doonin marnaba in Hiiraan ay ku sugnadaan kooxda Al- Shabaab oo uu yiri waxa ay...
Muxuu yahay baaqa Cadale ee MD Xasan Sheekh taageeray ?
Cadale ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab. Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in...
Dowladda Federaalka oo ka qeyb gashay shirka warshadaynta ee ka dhacaya Niger
Niger (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana...
Golaha Shacabka Beri ma mooshin- baa horyaala ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Beri oo sabti ah kulan ku- yeesho magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo qorhuhu ahaa in uu tago Baydhabo ayaa u baaqday sida RBC ogaaday kulanka Golaha shacabka. Kulanka Golaha shacabka ayaa lagu waramayaa in loogu doodi doodo qodobo xasaasi...
Qarax ka dhacay degmada Wadajir & faahfaahin ka soo baxaysa.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxana wararku sheegayaan in Saldhigga Booliska degmada Wadajir lagu tuuray Bam gacmeed. Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qarxan ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Maamulka degmada Wadajir ee qaraxa uu ka dhacay ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo...
NISA oo sheegtay in ay beegsatay Al – Shabaab & cida kala qayb gashay howlgalkaas oo ay shaacisay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya maanta oo Jimca ah ayaa lagu sheegay in 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab ay dileen. Qoraalka ayaa lagu sheegay in saraakiishaas Al- Shabaab ay ku dileen howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada...
Kooxda Al- Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Qaayib.
Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku bilowday – qaraxyo ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka. Weerarkan ayaa kooxdu waxa ay ku qaatay fariisimo ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaas. Waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan khasaaro soo – gaaray labada dhinac , waxaana saraakiil ka tirsan...
Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Mumin“Kama bixi karo hoteelka aan deganahay”
Muqdisho (Raxanreeb ) “Kama bixi karo hoteelka aan deganahay oo la iima ogola in aan ku laabto gurigayga [Nairobi, Kenya], si aan ula soo kulmo dhakhtarkeyga iyo qoyskeyga, sababtoo ah waxay qaateen baasaboorkaygii oo waxay iiga dhejiyeen liiska dadka la mamnuucay. “Waxaan u baahanahay daryeel caafimaad, waxaanan u baahanahay inaan arko qoyskayga. Deeq bixiyayaasha reer...
