Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa warqad ay soo saareen kaga dalbaday xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ay qabtaan doorasho loo dhan yahay oo hufan.
Month: December 2022
Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris
Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.
Hindiya oo ka hadashay burcad badeedda Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda India Subrahmanyam Jaishankar oo ka hadlay howlgalka la dagaallanka Burcad Baddeeda Soomaalida ayaa sheegay in Dalkiisa uu daneynayo Marin Amni ah oo dan u ah nabadgalayda isu gudubka Ganacsiga si dhaqaalaha Dalkaas u kordho.
Africom oo sheegtay inay dileen xubno katirsan Al-Shabaab
Taliska Africom, ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeyn uu ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab Jimcihii, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika.
Aadan Madoobe ” dagaalka ka jira Baydhabo waa mid lagu fashilinayo dadaalada dib u heshiisiinta “
Muqdisho ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dagaalada ka socdo magaalada Baydhabo, isagoo dhinacyada dagaalamaya faray in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka. Guddoomiyaha Baarlamanka Aadan Maddobe warka uu soo saaray ku yiri “Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga...
MD Xasan “Madaxda maamuladu ha qaataan muddo xileedkooda cidina wax kuma darsan karto”
Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo Masjidka Madaxtooyada khudbadii jimcaha kadib Laftagareen aad ugu dhaliilay khudbadiisa. Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qudbadiisii Jimce maanta wuxuu ku sheegay in muddo xileedkiisu yahay Afar Sano. Madaxweyne Xassan Sheekh, Wuxuu kaloo yiri Madaxda maamuladu ha qaataan muddo xileedkooda cidina wax kuma darsan karto. Xasan...
Fargeeti ” Dowladda waa inay gacanta ku soo dhigtaa Laftagareen oo dagaal ka hurinaya Baydhabo “
Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee Maaliyadds dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo ay garab joogaan qaar ka mid ah musharrixiinta Koonfur Galbeed oo uu ka mid yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in la soo weeraray hoyga uu ka deganyihiin magaalada Baydhabo. Wasiirkii hore maaliyadda Maxamed Farkeeti ayaa madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen ku...
Dowladda oo war kooban ka soo- saartay dagaalka ka dhacay Baydhabo.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed. Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.
Baydhabo : Ciidanka ka amar qaata Laftagareen oo weerar ku qaaday Guriga Fargeeti
Baydhabo (Raxanreeb ) Ciidanka amniga ayaa gudaha u galay guriga musharrax lagu magacaabo fatgeeti kaas oo saaka aroortii hore ay warer ku qadeen ciidamada maamulka konfurgalbeed. Musharaxaan ayaa mudooyinkii danbe ciidamo beleed ku aruur sanayay magalada baydhabo taas oo keentay in amniga uu qal qal galo. Xabadda ayaa inta badan waxay ka socotaa guriga musharaxaan...
DABAGAL : Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxa caawa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in. lala eegtay ciidanka ku sugan Siinka dheer halkaas oo ah meesha laga soo galo magaalada Mudisho isla markaana laga ilaaliyo. Waxaa la sheegayaa in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay ,...

