Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Xamarweyne ayaa xabsiga dhigay labo kamid ah burcadda hubaysan ah ee dadka Shacabka ah beerta xiliyada habeenkii ah, kuwaas oo xalay ciidanku ka qabteen isla Degmada xamarweyne. Ciidanka ayaa ragaan qabty iyaga oo wata qoriga AK47 iyo moota bajaaj, waxa ayna dhacayeen xiliga la qabtay labo qof dumar...
Month: January 2023
Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo taagero u raadinaya dalal ay Soomaaliya ku jirto
Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha siyaasada inay taageero dheeri ah siiyaan waddamada ugu saboolsan adduunka qaab maalgashi ah halkii ay deeq gargaar ah kasiin lahaayeen.
Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos, ayaa Idris iyo Sabitina lagu abaal mariyay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada.
Sabrina Dhowre ayaa soo bandhigtay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jira Soomaaliya, Haiti, Sudan iyo waddamo kale, iyado si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada heysata beeraleyda yar yar ee aan helin agabkii ay u baahnaayeen.
“Waxaan halkan u joognaa in aan iftiiminno dhibaatooyinka heysta dadka iyo dalalka aan wararkooda lasoo tebin” ayay tiri Sabrina.
MD Laftagareen & Mucaaradka maxay ka wada- hadleen ?
Baydhabo ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka. Madaxweynaha...
Souef ‘’ Al- Shabaab waa lagu jabiyay howlgalka ka socda Soomaaliya ‘’
Adis Ababa ( Raxanreeb ) Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsab Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka KMG ee Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalada ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka. Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qaaday talaabooyin ay ku xasilanayso guud ahaan goobaha ay ku sugan yihiin – kooxda...
MD Xasan Sheekh ”Dadka reer koonfur Galbeed waa in iyaga is xaliyaan”
Baydhabo ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed. Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee...
Diyaarado ku sigtay inay isku dhacaan dalka Mareykanka
Saraakiisha Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan, kadib markii labo diyaaradood oo rakaab ka buuxan, ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan garoonka diyaaradaha magaalada New York todobaadkii hore.
Taliyaha sirdoonka Turkiga oo wadahadallo la yeeshay madaxda Suudaan
Taliyaha sirdoonka dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda militeriga ee Suudaan, waxay ka wadahadleen in la is-weedaarsado xogta sirdoonka iyo arrimo kale oo dan u ah labada dal.
Taliye Odawaa oo shaaciyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii Xawaadley
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saakay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ku yaalla deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 km u jira degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
AAW ”Igu sawirta farumaha dagaalka ka socoto waxay goboodfal ku tahay halyeeyada runta ah”
Muqdisho ( Raxanreeb ) Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda – meelo badan oo dalka ah. Hase ahaatee waxa uu si layaab leh uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sawirada harqiyay...
WARBIXIN : Muhiimadda Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer ,Galcad & ay u leeyihiin DFS.
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 sanno ka dib gacanta kooxda Al- Shabaab ka saartay degmooyin iyo deegaano dhaca gobolada Mudug , galgaduud kuwaas oo ah magaalooyinka istaraateji ah marka la barbardhigo deeganadii kale ee hore Dowladda uga saartay Al- Shabaab. Degmooyinka Xarardheere, Galgacad , Ceeldheer ayaa ka mid ah meelaha muhiimka ah...






