Adis Ababa (Raxanreeb) Madaxwaynaha – maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya masuuliyiinta dalkaas oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare Abay Ahmed. Maanta oo Talaada ah ayaa madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa . Labada dhinac ee...
Month: March 2023
Muuse Biixi oo ka hadlay xaalaada magaalada Laacaanood
Madaxweynaha Somalilandad oo maanta ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad uu siinayo sidii nabad waarta looga gaari lahaa colaadda ka taagan halkaas.
Imaaraadka oo Soomaaliya u sameeyay ballan qaad cusub
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
WAR CUSUB : Khasaarihii ugu badnaa oo ka dhashay weerar ismaadiimin ah oo ka dhacay Baardheere
Baardheere ( Raxanreeb ) Warar dheeraad ayaa laga helayaa Qarax baabuur oo saaka lagu weeraray guri ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka deganaayeen Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale), guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiir hore Cabdirshiid Janan. Wararka ayaa intaas ku daray in qaar kamid ah...
Iran oo cafis u fidisay 22,000 oo qof oo la xirxiray xiligii ay dibedbayadu ka socdeen dalkaas
Iran ayaa sheegtay in ay cafis u fidiyeen illaa 22,000 oo qof oo lagu xiray mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda kaas oo qarxay bishii Sebtembar ee sannadkii hore.
Xasan Sheekh oo markii saddexaad booqasho ku tegay Asmara
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale galabta booqasho ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dhiggiisa Isaias Afwerki.
Sucuudiga oo ku dhawaaqay shirkad diyaaradeed oo cusub
Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai.
DF oo dad shacab ah ka barakicisay xaafado ka tirsan degmada Wadajir
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska.
La Taliye Sare oo Madaxtooyada KGS ah oo loo magacaabay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal
Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dr Maxamed Ibraahim Ali (Bilaal) U-Magacaabay La-Taliye Sare Arimaha Bulshada ee Xafiiska Madaxweynaha. Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib wada hadal- dheer oo in muddo ah u socday Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah aqoonyahan kaalin ku leh geedi socodka...
Ciidamada Danab oo dilay sarkaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab Jubbada Hoose
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.







