Dhibaatada biyaha Soomaaliya waa mid “ka fog” waxaana la saadaalinayaa in tobanaan kun oo kale ay abaar ugu dhintaan halkaas, Victor Chinyama oo ka tirsan Unicef ayaa u sheegay BBC-DA.
Day: March 22, 2023
Cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay
Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in la ogaaday waxa uu yahay cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray dalkaas kaasoo lagu sheegay in uu yahay cudurka Marburg haemorrhagic.
Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 3,000 oo Al-Shabaab ah
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah.
Baarlamanka Ethiopia oo liiska argagixisada ka saaray ururka TPLF
Baarlamanka Ethiopia ayaa Arbacada maanta ah ka saaray ururka TPLF liiska rasmiga ah ee kooxaha argagixisada, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hanaanka nabadda kadib laba sano oo dagaal uu ka socday waqooyiga dalka.
GAROOWE : Shir la isugu yeeray Hay’adaha amniga & sababta ka danbeysa
Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxa lagu qabtay kulan ujeedkiisu uu ahaa sugidda amniga magaalooyinka Puntland , kaas oo ay isugu yimaadeen laamaha amniga. Saraakiisha amniga Puntland ayaa kulankooda maanta ku soo hadal qaaday sida ay tahay in loo sugo amniga oo la dardargalyo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan....
DEG -DEG : Hoobiyaal lagu garaacay Villa- Soomaaliya.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho maqribnimadii caawa waxaa mar qura laga maqlay dhawaqa hoobiyaal ku dhacaya xaafadaha Muqdisho. Tiro badan oo Hoobiyaal ah ayaa ku dhacay agagaaraha xarunta Madaxtooyada oo ku taala Degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho. Qalqal ayaa mar qura waxa – galay dhaq- dhaqaaqa meelo badan oo magaalada magaalada Muqdisho , meelaha...
Isku shaadheyn ayaa lagu sameeyay Taliska Booliska gobolka Banaadir.
Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo magacaabay G/G/lle Mooshin, Qaybta Bari Waxaa loo magacaabay Macallin Aadan, halka waliyow Cadde loo magacaabay G/lle Daa’uud Caraale. Saldhigyada la isku bedelay ayaa kala ah. Saldhiga kaaraan, ayaa loo bedelay Dharkaynley, taliyaha saldhiga Dharkaynley Waxaa loo bedelay Cabdicasiis. Taliyaha saldhiga Cabdicasiis Waxaa loo bedelay saldhiga Waaberi. Taliyaha...
Koox fallaago oo ka dagaalanta Chad ayaa xabsi daa’in lagu xukumay 441 qof oo lagu eedeeyay dilkii madaxweynihii hore Deby
Maxkamad ku taalla dalka Chad ayaa xabsi daa’in ku ridday in ka badan 400 oo fallaago ah oo lala xiriiriyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalkaas Idiris Déby.
Ka –hadalka qabashada Ceelbuur ma dhamaato miyaa ?
Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Deegaano ka tirsan gobolad Mudug iyo Galgaduud waxaa ka soconaya ,dhaq- dhaqaaq lagu doonayo in Al- Shabaab loogu saaro degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud. Ciidamo aad u – fara badan ayaa la sheegayaa in maamulka Galmudug uu ku diyaarinayo deegaano ka mid ah gobolka galgaduud si ay u jabiyaan kooxda Al- Shabaab...
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Laascaanood ee gobolka Sool
Laascanood (Raxanreeb ) Ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa weli isku hor fadhiya aaggag u dhaw magaalada Laasacaanood oo ay ku dagaallamayeen tan iyo horraantii bishii hore. Dhanka kale, shacabka ka barakacay magaalada ayaa xaalad adag ku wajahaya deegaannada ay gaareen. Waxaa inta badan deegaannadaas ka curtay roobab,...