Madaxweyne Afrikada Dhexe Faustin-Archange Touadéra ayaa ku eedeeyey dalalka reer Galbeedka in ay si ula kac ah dalkiisa ugu hayaan degenaansho la’aan siyaasdeed, maalmo ka dib markii uu la kulmay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Day: March 6, 2023
Shimbiro sababi lahaa shil diyaaradeed
Shimbiro sababi lahaa shil diyaardeed
Sacuudiga oo $5 bilyan ku shubay Bankiga Dhexe ee Turkey
Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasi oo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya sicir-barar xooggan iyo waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay.
Wasiir Roobow oo walaalkiis u magacaabay xil – muran badan dhaliyay
Muqdisho ( Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta Muqtaar Roobow ayaa waxa uu guddiga tartanka adeegga Xajka u magacaabay walaalkiisa, Xertiisa iyo rag saaxiibo dhow yihiin. Guddigan markii la magacaabay , durbadiiba waxaa ka falceliyay qaar ka mid ah wakiilada diyaaradaha kuwaas oo ku tilmaamay mid aan cadaalad ku dhisnayn waxaana ka taagan...
Sheekada isku xiran ee Weerarka Hotel Jazeera & Cabdalla Muumin
Muqdisho (Raxanreeb ) Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir galabta uu warqad ka soo qaaday Maxkamada gobolka si uu u gudaha ugu gali karo Hotelka. Arintan waxa ay ka danbeysay ka dib markii maalmo ka hor ciidanka Booliska iyo Ilaalida Hotelka ay isugu dhaceen in Hotelka laga soo qabto...
‘’ Cidda Jazeera iska leh waxay dagganyihiin Madaxtooyada hoosteeda ‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidan ka tirsan , booliska Soomaaliya ayaa maanta la sheegay weerar ay ku qaadeen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah Hotelada ugu caansan ee ku yaala caasimadda. Weerarkan oo lagu tilmaamay inuu yahay mid aan ku fadhin sal – sharci waxaa dadka ka falceliyay ka mid ah Guddoomiye ku...
Shiinaha oo kordhinaya miisaaniyadda millitarigiisa
Shiinaha ayaa sheegay inuu miisaaniyadda ciidamadiisa ee sanadkan uu kordhinayo 7%kiba, xilli ay sii kordhayaan hanjabaadaha loo soo jeedinayo.
Weerar jihooyin badan oo lagu qaaday ciidanka Dowladda oo Afgooye
Afgooye (Raxanreeb ) Iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al- Shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka mid ah Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu si gaar ah uga dhacay Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin Mukayga iyo Haanta-dheer ee degmada Afgooye iyo degaanka Shareey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose Saraakiil...
Heshiiskii Baydhabo inuu dhaqan- galo & sharuuda ku xiran – AKHRISO-
Baydhabo (Raxanreeb ) Kol hore magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka dhacay heshiis siyaasadeed ujeedkiisu ahaa dhamaynta khalalase siyaasadeed oo ka dhashay waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Heshiis siyaasadeedkaas qodobo ku jiray waxaa ka mid ah in maamulka hadda jira ee Lafta Gareen uusan culays saarin oo siyaasiinta deegaanadaas u ogolaado in...
Mustafa Dhuxulow ‘’ Shaarka Dowladnimo ma aha in la isku handado ‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Xidhibaan Mustafa Dhuxulow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ee Barlamaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la isku handado xilliga shaarka Dowladnimada. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mustafa Dhuxulow in ciidanka booliska gobolka Banaadir si sharciga baal-marsan ay weerar ugu qaadeen Hotelka Jazeera...