Iran ayaa sheegtay in ay cafis u fidiyeen illaa 22,000 oo qof oo lagu xiray mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda kaas oo qarxay bishii Sebtembar ee sannadkii hore.
Day: March 13, 2023
Xasan Sheekh oo markii saddexaad booqasho ku tegay Asmara
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale galabta booqasho ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dhiggiisa Isaias Afwerki.
Sucuudiga oo ku dhawaaqay shirkad diyaaradeed oo cusub
Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai.
DF oo dad shacab ah ka barakicisay xaafado ka tirsan degmada Wadajir
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo horleh oo shacabka deggan guryaha Bangiga dhexe ee Bangaariyo looga saarayo dhulkaasi kadib warqad kasoo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir oo amar siisay Taliska Booliska.
La Taliye Sare oo Madaxtooyada KGS ah oo loo magacaabay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal
Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dr Maxamed Ibraahim Ali (Bilaal) U-Magacaabay La-Taliye Sare Arimaha Bulshada ee Xafiiska Madaxweynaha. Talaabadan ayaa ka danbeysay ka dib wada hadal- dheer oo in muddo ah u socday Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah aqoonyahan kaalin ku leh geedi socodka...
Ciidamada Danab oo dilay sarkaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab Jubbada Hoose
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ku dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Sidee Baydhabo loogu dareemayaa shirka madasha-Wadatashiga Qaran ?
Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , waxaa lagu wadaa in lagu qabto shirka madasah wada- tashiga Qaran ee madaxda Dowladda iyo maamul- goboleedyada dalka Shirkan waxaa lagu wadaa in diirada lagu saaro sii ambaqaadida qodobadii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyay ee ay wada- gaareen xubnaha madasha wada-tashiga qaran. Inta badan...
Laba qof oo “dilal”-gaystay oo Muqdisho lagu dilay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ayaa xukun dil toogasha ah ku fulisay laba qof oo loo haysto in hore dilal ay u gaysteen. Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen. Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa waxa uu Dilay Cabdi...