Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu aad u suluugsan yahay sida uu u socdo qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku wajahayso , wajiga labaad ee dagaalka Al- Shabaab. Guddoomiyaha Hiiraan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku harsan tahay keliya sidii loola imaan lahaa qorshaha wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-...
Month: June 2023
Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo kulankii ugu horreeyay la yeelatay Xamsa Barre
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, iyaga oo ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.
Messi ma wuxuu aadi doonaa Barcelona oo Spain ah Al-Hilal oo Sacuudiga ah mase Inter Miami oo Mareykanka ah?
Halyeeyga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda Maraykanka ka dhisan ee Inter Miami ka dib markii uu ka tagay kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris St-Germain.
Digniinno hawada ah oo lagasoo saaray qaybo kamida Mareykanka
Dugsiyada dowliga ah ee magaalooyinka New York iyo Washington DC waxay baajiyeen dhammaan dhaqdhaqaaqyadii bannaanka sababo la xiriira tayada hawada oo liidata oo uu sababay dabka kaymaha ah ee Canada.
Golaha ammaanka “ Somaliland waa in ciidankeeda deg deg ugala baxda Laascaanood”
NEWYORK (Raxanreeb ) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan uu maanta yeeshay kaga hadlay xaaladda colaadda Laascaanood. War qoraal ah oo kulanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanku si weyn uga walaacsan yahay dagaalka Laascaanood waxaanu dhinacyada ugu baaqay in colaadda la joojiyo. Waxa kale oo qoraalka lagu tidhi “Xunbaha Golaha...
Iran oo safaarad ka furatay Sucuudiga
Iran ayaa dib u furtay safaaradeedii Sacuudiga, todobo sano kadib markii dawladahan isku haya arrimaha gobolka ay jareen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.
Qaraxyo gilgilay saldhiga Ciidanka Itooobiya degmada Doolow ee Gedo
Doolow (Raxanreeb ) Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo oo lala eegtay maanta qaraxyo ismiidaamin ah oo khasaare xooggan u gaystay ciidanka la wareeray. Ilaa laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay irida xerada ay degan yihiin ciidanka Itoobiya Wararka hordhaca...
WARCUSUB : Wadada KM4 ee Muqdisho oo lagu kala cararay
Muqdisho (Raxanreeb ) Wadada KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ciidanka amniga ay xireen ka dib markii laga shakiyay gaari konteenar ah oo wadada dhax yaalla. Mashquul badan ayaa ka jira dhammaan waddooyinka KM4 ku hareeraysan halkaas oo ay soo gaareen ciidanka amniga. Dadwaynaha ayaa ka kala cararay halka gaarigan uu yaalo oo looga shakiyay inuu...
20 Al-shabaab ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose
Inka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay 'hawlgal qorsheysnaa' oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka.
Axmed Madoobe oo maamul dib joog ah u magacaabay GEDO
Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa hogaan cusub waxa uu u magacaabay maamulka gobolka Gedo, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa. Sidda ku xusan wareegtadda, Cabdullahi Cabdi Jaamac ayaa loo xushay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, halka Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) mar kale loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda. Gobolka Gedo ayaa...