Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.
Month: August 2023
Xildhibaano ka dooday fadeexadii Soomaaliya ka soo gaartay China
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah xarunta Golaha shacabka waxaa ka qabsoomay fadhi su’aalo lagu waydiinayay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqada guud ee wasaaradda, gaar ahaan arrimaha ciyaaraha iyo horumarinta garoomada ku yaalla gudaha dalka. Xildhibaanada ayaa su’aalo adag waydiiyay Wasiirka kuwaas oo...
Puntland : Xarfo ciidan gadoodsan oo xirtay waddooyinka muhiimka ah
Garoowe (Raxanreb ) sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Xarfo ee Puntland ciidan gadoodsan ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo degmada ah. Dadka degmada ayaa sheegaya in talabadan saamayn ay ku yeelatay dadka deegaanka , kuwaas oo cabsi dareemay maadama xaaladahan sidan oo kale ah nolosha dadka ay saamayn ku yeelan karto. Ciidamada...
Somaliland oo duqeymo ka fulisay gudaha magaalada Laascanood
Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in halkaas maanta laga maqlayo dhawaqa jugta culus oo ay is waydaarsanayaan ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka hoobiyaasha qaar ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen xaafadaha qaar ee magaalada Laascanood ee gobolka Sool. Sedex...
90 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha gobolka Hawaii ee Mareykanka
NewYork (Raxanreeb ) Ugu yaraan 89 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay Maui ee dalka Mareykanka. Barasaabka gobolka Hawaii Josh Green ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhi karto. Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Qiimaha dib...
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si xirfadaysan u bandhigay xalka Somaliland
Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa maamulka, shacabka iyo gaar ahaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen iska hor imaadka shalay ka dhacay Somaliland. Damac, qab iyo quursi is huwan waxaa inta badan siyaasiga duufsada, kana indha saaba talada toosan. Waxaa hubanti ah haddii geesawaynta siyaasadda (Political Elite النخبة السياسية) heshiin waayaan, jirina...
Mooshin Cusub oo loo gudbiyay BFS
Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta mooshin cusub geeyay baarlamaanka, kaas oo ku aadan dhibaatada ka taagan Xasbiga Dhexe ee Xamar.
Somaliland oo ka hadashay khasaaraha dagaalkii buurta Gacan Libaax
Hargaysa (Raxanreeb ) Ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland ayaa ku dhintay, halka 17 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo Jimcihii shalay dhexmaray ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyada jabhadda ka dagaalameysa buurta Gacan Libaax oo ku taalla inta u dhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa...
Beesha Caalamka oo ka walaacsan dagaallada ka qarxay gobolka Amxaarada
Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray sadex waddan oo kala ah Japan, Australia iyo New Zealand, kuwaas oo walaac ka nuujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Itoobiya.
Ciidamada DF oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saakay markale dib u qabsaday Degmada Ruun-Nirgood ee dhacda Waqooyi-Bari Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.







