Laasacanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka furmaya shir ujeedkiisu uu yahay xaaladaha gobolada Soo , Sanaag iyo Cayn halkaas oo wali dagaalo ay ka dhacayaan.
Shirkan waxaa ku baaqay ismida iyo waxgaradka goboladaas kuwaas oo sheegay in shirka uu ka daba socdo shirarkii hore ee looga hadlayay aayaha deegaanada SSC.
Waxaa ka qayb gali doona shirkan waxgaradka , aqoonyahanka deegaanadaas kuwaas oo ka walaacsan xaalada deegaanka iyo dhibaatada ciidanka Somaliland ay u gaysteen dadka rayidka.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Hogaanka Isimada Dhaqanka SSC oo ka hadlayay xaalada Amni ee Gobolka Sool ayaa markale dalbaday in Ciidaamadda Somaliland laga Saaro gobolka Sool.
Somaliland ayuu ku eedyay Garaadka in dhibaato ay ka gaysteen gobolada SSC ,isla markaana laga xisaabtami doono gabood faladaas ka dhacay gobolka Sool ee beegsiga rayidka.
Si kastaba duleedka waqooyi ee Magaaalada Laascaanood ayaa waxa isku horfadhiya ciidanka Militariga Somalailnd iyo kuwa SSC kuwaas oo dhowr jeer halkaas ku dagaalamay.
Dagaalka ka dhacaya magaalada Laascanood waxaa ku barakacay dadkii ugu badnaa kuwaas oo ku dayacan meelo ka mid ah gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn
Kol hore Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in ciidanka Somaliland ay ka baxdo deegaanka Deegaanka Gooja cadde halkaas oo ah halka ugu badan ee dagaalada ay ka dhacayaan.
Leave a Reply