Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho yimaaday siweyna loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aaden cadde.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka Socdaalka Madaxweyne Laftagareen, ayaa ah ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka,kaasi oo looga hadli doono xaaladaha guud ee dalka.

Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka dalka iyo Siyaasiyiin ayaa saf dheer ugu galay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu hoggaaminayey.

Sikastaba, madaxweyne Laftagareen oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa diidanaa in Muqdisho yimaado, hasa ahaatee dedaalo la sameeyay ayaa keenay in Laftagareen yimaado Muqdisho kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.