Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa saldhigga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku dhigay eedeeysane Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaasi oo si arxan darran u dilay xaaskiisa.
Dilka ayaa ka dhacay mid kamid ah xaafadaha degmada Garasbaaleey, waxaana gacan ku dhiiglaha la sheegay in xaaskiisa uu u adeegsaday dilkeeda Toorey, balse ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababay dilka.
Falka dilka kaddib ciidanka amniga oo sameeyey howlgal degdeg ah, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeeysanaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Abshir uu hadda ku xiran yahay xabsiga saldhigga Garasbaaleey, loona gudbin doono dacwadiisa maxkamadda awooda u leh si sharciga waxa uu qabo loo marsiiyo.
Sidoo kale booliska, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baaritaanka la xiriira kiiskan, iyaga oo bulshada ugu baaqay in ay la shaqeyaan laamaha amniga, si looga hortago falalkan guran ee muddooyinkii dambe ku soo badanaya magaalada Muqdisho.
Falkan naxdinta leh ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, iyaga oo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan eedeeysanaha la mariisyo sharciga waxa uu qabo.

Leave a Reply