Ku dhowaad 60 qof oo ku dhintay doon ku degtay dalka Liibiya

Ku dhowaad 60 qof oo ku dhintay doon ku degtay dalka Liibiya

Liibiya ( Raxanreeb Online) Ugu yaraan 53 qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay la degtay Doonti ay ku tahriibayeen.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IMO, ayaa sheegtay in Doonta rogtay ay waqooyiga magaalada Zuwera kazoo shareecatay 55 qof, isla markaana markii ay socotay 6 saac ay rogmatay.

Ciidamada badda ee dalka Liibiya, ayaa xaqiijiyay in ay badbaadiyeen Labo dumar ah oo u dhashay dalka Naajeeriya, isla markaana 53 kale oo ay ku jiraan labo carruur ah ay geeriyoodeen.

Muhaajiriintan oo ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla qaarada Afrika, ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Zuwera oo qiyaastii 44KM dhanka galbeed kaga beagan magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya.

Hay’adda IMO, ayaa intaas ku dartay in 375 muhaarijiin ah ay dhinteen tan iyo bishii Janaayo, kuwaasi oo isku dayay in ay ka talabaan badda Mediterrnean-ka una gudbaan Yurub, waxaana hay’adda intaas ku dartay in ay aaminsan tahay in tirade dhimashada ay intaas ka badan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.