Galmudug (Raxanreeb Online): Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad, G/Sare Maxamed Cabdi Daahir “Dhagawayne”, kaddibna Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Dhuusamareeb.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ciidamada iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Galmudug.

Leave a Reply