Farmaajo oo Dhaliilay Burburinta Guryaha Muqdisho

Farmaajo oo Dhaliilay Burburinta Guryaha Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhaliilay habka dowladda Federaalka ay u wajahday burburinta hantida iyo barakicinta qoysaska ku nool magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in Madaxweynaha uu xoog u adeegsado muwaadiniin si nabad ah u muujinayay cabashadooda ku aaddan burburinta hantidooda iyo barakicinta qoysaskooda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan howlgallo lagu burburinayo dhismayaal iyo guryo, kuwaas oo dhaliyay cabashooyin iyo dood ku saabsan xuquuqda shacabka iyo habka loo fulinayo tallaabooyinka burburinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.