“DAB ” ka kacay goobo ganaci oo ku teedsan isgoyska Banaadir ee Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dab ayaa hadda ka kacay inta u dhaxeyso Isgoyska Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Dabka waxa uu si  gaar ah uga kacay  nawaaxiga maqaayad lagu magacaabo Casri , halkaas oo ay ku teedsan yihiin goobo ganacsi.

Waxa uu dabka ku sii fidiyay goobo badan oo ah inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Banaadir halkaas oo marar badan uu dab ka kacay.

Khasaare badan ayaa jira , lamase tiro koobin , maadama wali dabka uu socdo.
Gawaarida dab damiska ah ayaa goobta gaaray si ay ugu gurmadaan dadka masiibadu ay haleeshay ee ku ganacsada Isgoyska Banaadir.

Dhawr mar ayaa sidan oo kale suuqa ganacsiga ee Banaadir sidan oo kale uu dab ugu kacay oo ay ku baa’baday hanti badan , waxaana uu suuqan ka soo kabsanayay khasaarihii soo gaaray.

Wixii ku soo kordha kala soco.
Www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.