Koox Cayaal- Weera ah oo weerar – bambaano lagu qaaday.

Koox Cayaal- Weera ah oo weerar – bambaano lagu qaaday.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas laga maqlayay caawa daryanka weerar loo adeegsaday  bambooyin.

Sida RBC ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah weerarkan ayaa lagu qaaday koox ka mid ah cayaal-weerada waayadan dhibaatada – ku haya shacaka ah ee ku nool degmooyin ka mid ah caasimadda.

Tiro dhaawac ah ayaa la xaqiijinayaa in ay  jiraan oo soo gaaray kooxaha cayaal-weerada ee caawa lagu qaaday weerarka bambooyinka ah.

Kooxda Al- Shabaab ayaa dhawaan sheegtay  in caasimadda ay ka fulin doonto howlgal ka dhan ah kooxaha cayaal-weerada iyo kuw ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.